Soomaaliland oo kahadashay Afduub ay geysatay Jabhad Mucaarad ah

|

HARGEYSA (KAAB TV) – Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horraysay faahfaahin ka bixisay, dabley hubaysan oo weerar ku qaaday gaadiid ay laheyd hay’adda samafalka ee Halo Trust, halkaas oo ay ka kaxaysteen laba baabuur oo ay hay’addu lahayd, iyo weliba mid ka mida darawaladii gaadiidkaas.

Sidoo kale, dableyda ayaa ka tirsan Jabhad hubeysan oo ka  horjeeda maamulka Muuse Biixi, kuwaasoo fariisin ka dhigtay Buurta gacan libaax.

Falkan ayaa ka dhacay gobolka daad-madheedh, waxaana xukuumadda Somaaliland ay sheegtay ineysan jirin cid ka baxsan dablaydaas oo ku lug lahayd weerarka, iyada oo shalay la sii daayey darawalkii u shaqaynayey shirkadda Halo Trust oo dhaawac ah.

“Gaadiidka la kaxaystay illaa haatan gacanta laguma soo dhigin, waxaana hawshan gacanta ku haya ciidamada ammaanka ee Soomaaliland oo ay wehelinayaan ciidamada booliska ee deegaanka uu weerarku ka dhacay maamulka Soomaaliland waxaa ka go’an in ay cadaaladda horkeento dadkii ka dambeeyey falkaas” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibeda ee Soomaaliland.

Wasaaradda arrimaha debedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliland ayaa sheegtay inay  u xaqiijinayso dhammaan muwaadiniinta iyo hay’adaha ajnebiga ah, in arrintani ay ahayd dhacdo gooni ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News