Somaliland oo ka hadashay khasaaraha dagaalkii buurta Gacan Libaax

|

HARGEYSA (KAAB TV) – Ugu yaraan 9 askari oo ka tirsan booliska Somaliland ayaa ku dhintay, halka 17 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo Jimcihii shalay dhexmaray ciidamada maamulka Somaliland iyo maleeshiyada jabhadda ka dagaalameysa buurta Gacan Libaax oo ku taalla inta u dhexeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Taliyaha booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi ayaa xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Taliyaha Booliska Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin ayey ku sheegeen in ciidamada oo amniga sugayey lasoo weeraray.

Taliye Saqadhi ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ciidamada Somaliland ay qaadi doonaan tallaabo adag oo ka dhan ah jabhadda hubeysan ee dagaalka kula jirta maamulka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed kaahin ayaa ku eedeeyay in jabhaddan ay diiday wax wada hadal ah, wuxuuna sheegay in Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Waddani, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro uu ka dambeeyo, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo isagoo ku sugan gobolka Awdal ka hadlay dagaalka ayaa dhankiisa iska diiday eedeynta loo jeediyay ee ah inuu jabhaddan ku lug leeyahay.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka dagaalka oo bilawday gelinkii hore ee Jimcihii ayaa qarxay ka dib markii ciidan boolis ah oo ay ku jiraan kuwa sida gaarka u tababaran ee RRU ay u dhaqaaqeen dhanka buurta Gacan Libaax.

Xoogaga jabhadda ku jirta buurta Gacan Libaax ayaase ku sugnaa tuulada Go’da Yar halkaasoo dagaalku uu ka qarxay Jimcihii.

Dagaalka ayaa socday illaa habeennimadii xalay. Waxaana jira barakac ay sameynayaan dadka deegaanka ku noolaa oo dagaalkan uu saameeyay.

Xoogaga jabhadda ayaa la sheegay inay hab qabiil u abaabulan yihiin ayna diidan yihiin maamulka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay ku eedeynayaan inuu diidan yahay inuu qabto doorashada xilligeedii la dhaafay ee Somaliland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News