Puntland: Isimada Ciise Maxamuud oo bayaan culus soo saaray

|

GAROWE (KAAB TV) – Guddi isimo ah oo ay magacaabeen salaadiinta beesha Ciise Maxamuud ayaa caawa oo Jimce ah kasoo saaray magaalada Garowe bayaan ay saxiixeen Cismaan guureeye Kaarshe iyo Khaliif Aw-Cali Aw-Maxamed, waxay hadleen xaaladda siyaasadeed ee Puntland, amniga iyo dagaalka Laascaanood.

Isimada ayaa ku baaqay in la qabto doorashadii baaqatay ee golayaasha deegaanka ee saddexda degmo ee kala ah Garowe, Dan Gorayo iyo Eyl taasoo u baaqatay dagaalkii ka dhacay magaalada Garowe bishii May ee sannadkan markii kooxo mucaarad ah ay ka hor yimaadeen qabashada doorashada.

Waxayse soo jeediyeen in doorashada madaxtinimada ee Puntland ay tahay inay ku dhacdo 8dii Jannaayo 2024 oo ah waqtiga uu dhammaanayo xilli xafiiseedka madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Odayaasha ayaa ka hor jeestay in doorasho qof-iyo-cod ah lagu bedelo hannaanka xulista baarlamaanka ee ay odayaasha qabiiladu soo xuli jireen.

“In doorashadu u dhacdo sidii barlamaaniga ahayd ee lagu soo dooran jiray madaxda Puntland; in isimada dhaqanka Puntland soo xulaan xildhibaanada 66da ah ee dooranaya madaxda sare ee Puntland,” ayey ku yiraahdeen bayaanka cuqaasha beesha Ciise Maxamuud.

Rabshadihii ka dhacay Garowe

Guddiga odayaasha ayaa mas’uuliyadda dagaalkii ka dhacay 20kii Juun 2023 oo ahayd maalinkii ay Baarlamaanka Puntland ku dhawaaqeen qorshaha wax-ka-beddelka Dastuurka Puntland dusha u saareen dowladda Puntland.

Odayaasha waxay ka dalbeen dowladda Puntland inay magdhow ka bixiso dadkii ku dhintay rabshadda hubeysan ee ka dhacday caasimadda Puntland.

Waxayse dhanka kale tilmaameen in mas’uuliyadda amniga ay leedahay dowladda Puntland, loogana dambeeyo hawlaha amniga iyagoo dhanka xooggaga hubeysan ee mucaaradka ugu baaqay inay “is xakameeyaan ayna ku ekaadaan xeryahooda”.

Furidda Dastuurka

Isimadu waxay bayaankooda ku cambaareeyeen furidda Dastuurka Puntland ee Baarlamaanka Puntland uu ku dhaqaaqay 25kii Luulyo 2023 xilli uu socday dadaal lagu xallinayo is mari-waaga siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Dagaalka Laascaanood

Isimada beeha Ciise Maxamuud ayaa soo dhoweeyay doorashada golaha dhexe ee lagu wado inay doortaan beelaha SSC ee dagaalka kula jira maamulka Somaliland.

Waxay bogaadiyeen aaya ka tashiga isimada Dhulbahante ee kasocota gobolka Sool.

Isimada ayaa soo dhoweeyay ciidanka beesha Ciise Maxamuud ee ka dagaalamaya jiidda hore ee Laascaanood halkaasoo dagaal uu ku dhexmarayo ciidamada Somaliland iyo kuwa Dhulbahante oo taageero ka helaya kuwa beelaha Daarood.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News