Siciid Cabdullaahi Deni oo gaaray Qardho

|

Qardho (KAAB TV) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Yaasiin Cismaan Keenadiid oo ah xubin ka tirsan Golaha Maamulka Gaadiidka iyo Jidadka Gobolka Minnesota dalka ee Mareykanka.

Sidoo kale, Yaasiin Cismaan Keenadiid oo maalmahan booqasho ku joogay Puntland, isagoo kulamo kala duwan la qaadanayey qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhanka kale, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaarey magaalada Qardho Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Deni dhawr maalmood ku sugnaan doono magaalada Qardho, kulamo la qaadan doono bulshada magaalada.

Sanadkii 2020 ayaa biyo xoog badan magaalada ku soo rogmadeen kuwaasoo geystey khasaaro baaxad leh, tan iyo sanadkaas laba jeer oo kale ayaa biyo ka yar kuwii hore ku soo rogmadeen kuwaas oo geystey khasaaro.

Soomaaliya oo dhan ayaa looga soo gurmadey magaalada Qardho, waxaana ilaa hadda u yaala lacag badan oo aan waxba looga qaban biyaha magaalada ku soo fatahma.

Deni ayaa hadda wada qorshihii biyaha looga maareyn lahaa magaalada, waxaana uu wadatashi la sameyn doonaa bulshada sida ay sheegta madaxtooyada Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News