Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis waxbarasho

|

Wasiirka Wasaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinsta Sarre ee Xukuumadda, Fedaraalka Soomaaliya Farax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa ugu horeyn Dowladda Masar uga mahad-celiyey 450 deeq waxbarasho ah oo ay sannad kasta siin doonto Soomaaliya, ka dib kulan ay Qaahira ku yeesheen Wasiirada Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sarre ee Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar.

Wasiir Faarax oo heshiis dhanka iskaashiga tacliinta sare ah la saxiixday wasiirka Tacliinta Sare ee Masar, Dr. Ayman Caashuur, ayaa sheegay in Dawladda Masar ay siin doonto Soomaaliya sannad kasta deeq waxbarasho oo heerarka cilmi iyo xirfad ee kala duwan ee jaamacadaha ah, oo gaaraysa 450 , isaga oo uga mahad celiyay Dawladda Masar deeqda iyo garab istaagga weyn ee ay u fidiso ardayda Soomaaliyeed.

“Tani waa deeqdii ugu badnayd ee Soomaaliya ay ka hesho Masar” ayuu yiri Mudane Wasiir Faarax.

Waxaa sidoo kale heshiiska ka mid ah in ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Masar loola macaamilo sida muwaadiniinta Masaarida oo kale. Wasiir Faarax ayaa ballanqaaday in xulashada ardayda la siinayo deeqaha waxbarasho ay ku iman doonto tartan iyo imtixaan.

Kulan gaar ah oo uu mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir la qaatay wasiirka waxbarashada Masar, Dr. Ridaa Xijaazi, ayuu wasiirku uga mahad celiyay kaalmada waxbarasho ee ay Masar siiso Soomaaliya, gaar ahaan macallimiinta Masaarida ee wax ka dhiga dugsiyada Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedka Puntland.

Wasiir Xijaazi ayaa sheegay inay sannadkaan kordhinayaan macallimiinta loo dirayo Soomaaliya, iyagoo ka howlgali doona dhammaan Dawlad Goboleedyada; sidoo kalana ay ka qaybqaadan doonaan tababarka loo fidiyo macallimiinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeeyntii, tani waxa ay ku soo beegantay xilli ay Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ay si weyn ugu hawlgaleyso baahinta iyo tayaynta waxbarashada dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News